Wararka

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka oo kulan la qaatay hay’adaha ka shaqeeyo caddalada.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee xukuumada federaalka Soomaaliya Abukaate Xasan Xuseen Xaaji iyo Hanti-Dhowraha Qaranka , Maxamed Cali Afgooye iyo howlwadeenno ka kala socday Wasaaradda Caddaaladda iyo Xafiiska Hanti-dhowrka ayaa kulan la qaaatay hay’adaha UNDP, UNODC, EUCAP iyo qaar ka mid deeq-bixiyayaasha Soomaaliya.

Intii uu socday kulanka ayaa Wasiirka waxaa uu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin dadaalka Wasaaradda ay ka waddo dardar-gelinta la dagaalanka musuqa iyo horumarinta hufnaanta dhammaan hay’adaha dowladda dhexdooda taasoo ay qeyb weyn ka tahy diyaar garowga ay Wasaaradda sameynayso sidii Soomaaliya ay ugu biiri lahayd saxiixayaasha heshiiska caalamiga ah ee la dagaalanka musuqa oo loo soo gaabiyo (Ratification of UNCAC).

Waxaa kaloo Wasiirka iyo Hanti-dhowraha Qaranka kulanka ku soo bandhigeen Stiratijiyada qaran ee la dagaalanka musuqa iyo sida loo dhaqan gelinayo iyadoo la marsiin doono golaha wasiirada dhawaan kadibna ay noqon doonta mid ka shaqeysa gayiga Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay masuuliyiin ka socotay hay’daha UNDP iyo UNODC oo ballan qaaday in kala shaqeyn doonaan Wasaaradda howlaha la xiriira dhaqan gelinta iyo ku biiridda heshiisyada caalamiga ah.Image may contain: 4 people, people sitting and indoorImage may contain: 3 people, people sitting and indoorImage may contain: 1 person, sitting and indoorImage may contain: 5 people, people sitting and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close