Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo dhagax dhiggay dhismaha warshad cusub.

Warshadaan ayaa la filiyaa in ay soo gaba gaboowda horraanta sanadka 2020-ka iyadoo isla markaaba horay ka bilaabi doonta soo saarka dharka ciidamada.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha xarunta warshad soo saareysa dharka ciidamada qalabka sida.

Dowladda Turkiga oo kamid ah dowladaha Soomaaliya ka taageero qalabaynta ciidamada ayaa Warshadda iyo dhammaan waxyaabaha ay ku shaqaynayso ugu deeqday dowladda federaalka Soomaaliya.

Warshadaan ayaa la filiyaa in ay soo gaba gaboowda horraanta sanadka 2020-ka iyadoo isla markaaba horay ka bilaabi doonta soo saarka dharka ciidamada.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer kutagay warshadda qalabka dhismaha ayaa amaanay taliska asluubta dadaalka ay u galeen in ay dib u howl geliyaan warshadda isagoo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in xiligii loo qorsheeyay warshadaan lagu dhamaystiray.

Waxaa munaasabadda dhagax dhigga warshadda soo saaraysa dharka ciidanka qalabka sida goob jog ka ahaa Wasiirka difaaca xukuumada Soomaaliya, Taliya ciidanka xoogga iyo safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa goob joog ka ahaa munaasabadda dhagax dhigga warshadda.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close