Wararka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo xilkii ka qaaday  Taliyaha saldhiga Bondheere iyo bandawgii fidnimo oo dib loo dhigay.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed  General Cabdi Xassan Maxamed Xijaar ayaa maanta xilka ka qaaday Taliyaha saldhiga Bondheere Najiib Carab kadib banaanbaxyo ka dhashay dil uu laba ruux oo shacab ah u gaystay Askari ka tirsanaa Ciidanka Booliska gaar ahaan kan saldhiga Bondheere.

Askariga dilka gaystay ayaa lagu magacaabaa D/Le booliis 26869 Xasan Aadan Xasan waxaa uuna dil u gaystay marxuumiinta kala ah Madiino Cabdullaahi Cabdi oo 17 sano jir aheed iyo Xasan Cali Cadaawe oo 24 jir ah.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed  ayaa dib u dhigay xiligii bandawga oo kolkii hore ahaa 7:00 fiidnimo halka hadda laga dhigay 8:00 fidnimo.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close