Wararka

Duqa Muqdisho oo daahfuray tababar lagula dagalamaayo COVID-19.

Gudoomiyaha gobolka banaadir ahna Duqa Magaalada Moqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta daah-furay ololaha la Dagaalanka Caabuqa Covid19 Ee Gobolka Banaadir,

Xafladaan lagu daah-furayay ololaha la Dagaalanka Caabuqa Covid19 ayaa Waxaa goob joog ka ahaa Wakiilka IGAD ee u fadhiya Somaaaliya Ambassador Jamaal Axmed Ibraahim, Gudoomiyaha Degmada C/caziiz Mahdi, Gudomiyaha Dhalinyarda Gobolka Banaadir Cabdikafi Maxamuud Makaraan, Gudoomiyaha Dhalinyarada ee Maamul Gobleedka Jubbaland Cabdi wahaab, Culumaa’udiinka, Dhaqaatiir, Ururka Dhalinyarada Degmoyinka Gobolka Banaadir iyo Haweenka Gobolka Banaadir,

Ololahaan ayaa ah la dagaalanka iyo Ciribtirka Caabuqa Covid19 ee sida weyn usaameeyay dhamaan wadamada Dunida, gaar ahaan dalkeena soomaaliya Gudoomiyaha Gobolka banaadir ayaa Daah-furay ololahaan, waxaana si weyn ufulin doonna dhalinyarada Gobolka Banaadir iyo qeybaha kale ee bulshada Rayidka.Image may contain: 2 people, people standingImage may contain: 2 peopleImage may contain: 5 peopleImage may contain: one or more people, crowd and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close