Wararka

Shirkad Maalgalin u samaynayso dadka Madawga Maraykanka ah.

Shirkada weyn ee PayPal ayaa shan qoqol (500 )oo malyan oo doolarka Maraykanka ku taageereysa ganacsatada madoow  ee Ameericaanka ah iyo kuwa laga tirada badan yahay.

Lacagta inteeda badan ayaa loo bixin doonaaa in lagu abuuro fursado dhaqaale, kuwaasoo lagu maal-gelin doono ganacsiyada dadka madowga ah iyo dadka laga tiran badan yahay oo Ameericaanka ah, shirkada lacag-bixinta elektoronikada ee Mareekanka ayaa arrinkaani ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

“waxaan rabaa inaan halkaan ka cadeeyo; in aan garab taagannahay saaxiibadeena madoowga ah iyo bulshada madoowga ah, Waan idin garab taagannahay waanna idin taageereynaa -waa inaan cadeeynaa nafafka madoowga ahi in ay muhiim yihiin”,  madaxa sare ee fulinta PayPal ayaa sidaasi waxa uu ku sheegay warqad rasmi ah oo ka soo baxday gudaha shirkadaasi.

Gudaha dalka Mareekanka, boqolkiiba lex shaqaalaha shirkada ee PayPal heebtooda waa madoow,  halka boqolkiiba labo doorarka dhanka farsamada ee shirkada waxa qabta shaqaalo madoow,  markii loo eego warbixin laga sameeyay shirkada sanadkii lasoo dhaafay ee 2019.  dhankale markii loo eego tira koobka Mareekanka boqolkiiba 13% waa dadka madoowga ah.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close