Wararka

Ruushka oo sheegay in uu diyaar u yahay in uu marti galiyo kulanka wadamada la’isku yirahdo G7/G8.

Kulan horudhac u ah wadamada la’isku yirahdo G7/G8 oo ka dhacay dalka Ruushka ayaa waxaa haddalo ka jeediyay qaar kamid ah madaxda halkaasi kusugan oo ay kamid yihiin, madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin, Raisal wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi,madaxweynaha Mongolia, haltmaa Battulga, Ra’iisal wasaaraha Malaysia, Mahathir Mohamad iyo Ra’iisal wasaaraha Japan Shinzo Abe.

Madaxweynaha dalka Ruushka oo ugu horeyn hadal ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in Ruushka uu diyaar u yahay in uu marti galiyo kulanka waddamada la’isku yirahdo G7/G8 kuwaas oo ah wadamada ugu dhaqaalaha badan addunka.

Madaxweyne Vladimir Putin, oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in loo bahan yahay in la ballaariyo waddamada ku horumaray warshadaha kuwaas oo ah wadamada ugu dhaqaalaha badan caalamka waxaa uuna ka dhawaajiyay in loo bahan yahay in waddamadaasi lagu soo daro dalalka sida; Turkiga, Hindiya iyo Shiinaha.

Inkastoo kulanka waddamada ku bahooway G7 uu bishii tagtay ka dhacay dalka faransiiska haddana madaxweynaha Ruushka ayaa sheegay in kulankaasi uu ahaa mid aan sax aheen, saamayn saasna aan la laheyn dhankiisa kaas oo uu sheegay in xitaa aan lagu darin Shiinaha ama Hindiya kuwaas oo uu ku ku tilmaamay in aan indhaha la’iska tiri Karin awooddooda dhaqaalle.

Ruushka ayaa sanadii 2014-kii laga saaray golaha ku bahooway G8 kadib markii uu si awood leh ugu fasaxay ciidamadiisa Militariga jasiiradda Crimea oo ku taalay dakla Ukraine.

Image may contain: 2 people, people standingImage may contain: 3 people, people sitting and weddingImage may contain: 4 people, weddingImage may contain: one or more people and outdoorImage may contain: 9 people, wedding and suit

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close