Wararka
wararkii ugu danbeyay ee wareerkii lagu qaaday Labo Masaajid oo ku yaalo magaalada Christchurch ee Dalka New Zealand.

Labo Masaajid oo ku yaalo magaalada Christchurch ee Dalka New Zealand ayaa dablay hubaysan ay weerareen, ayadoo lagu jiro xiliga salaada Jimcaha.
Illaa 49 qof ayaa lagu dilay halka 48 kalana lagu dhawacay weerar salaadii jimcaha ka hor lagu qaaday labo masaajid oo ku yaala dalka New Zealand si uu xaqiijiyay taliyaha booliiska.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ay dad Soomaali ah ka mid yihiin dadka lagu laayay masaajidka, balse tirakoobka kama dambeyska ah weli lama xaqiijin karo.
Ra’isulwasaaraha New Zealand haweenayda lagu magacaabo Jacinda Ardern ayaa dhacdada ku tilmaamtay maalintii ugu madoobayd ee soo marta taariikhda dalkaas.
Ninkii weerarka geystay ayaa iska duubay muuqaal uu xitaa wajigiisa ku qabanayo kaamirada, kadibna waxa uu galayaa masaajidka isaga oo ku hubeysan qoriga darandooriga u dhaca, wuxuuna markaliya rasaas oodda kaga qaadayaa dad koox koox u fadhiya meelo kala duwan masaajidka.
Booliiska magaalada ayaa guud ahaanba magaalada Bandow kusoo rogay waxaana la xirey Schoolada. Booliiska oo baritaan wadda ayaa waxa ay sheegeen in ay xireen illaa 3 nin iyo qof dumar ah oo la tuhunsanyahay.