Wararka
Qarax Gaari oo ka dhacay Magalada Moqdisho ee caasimadda dalka.

Qaraxaan ayaa waxaa jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir,waxaana uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Shaqaalaha Wadada Maka almukarama ee Magaalada Muqdisho.
Gaariga qarxay ayaa ahaa Saruf oo lagu soo xiray waxyaabaha qarxa isaga oo ku qarxay kasoo hojeedka Hotelka Furat oo u dhow Isgoyska Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho, isla markaana qaraxa uu ahaa mid gaariga lagu dhejiyey.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Gaariga qaraxa lagu dhejiyey uu lahaa Taliyaha qeybta baarista ee Xarunta Dambi-Baarista CID-da oo Magaciisa lagu soo gaabiyey Bile, balse uusan geysan wax khasaaro ah.