Wararka
Madaxweyne Muuse Biixi oo xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey xubno ka mida maamulkiisa.
Wareegta kasoo baxday xafiiska madaxweyanaha maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa xilka qaadis iyo Magacaabid uu ku sameeyey xubno ka mida maamulkiisa.
Madaxweynaha ayaa wareegtada xilalkii ugu qaaday Maxamuud Saleebaan Ciise (Mingiste),Wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyey Dalka Shiinaha iyo Maxamed Cabdikariim Cumar Ismaaciil, Safiir Ku-xigeenkii hore Somaliland u fadhiyey dalka Itoobiya.
Sidoo kale wareegtada waxaa xilal loogu magacaabay Maxamuud Xaamud Cumar Guddoomiyaha Gobolka Badhan, Cabdiraxmaan Axmed Muuse Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Badhan iyo Cawil Ibraahim Cali Wakiilka Xafiiska Ganacsi ee Somaliland ee Dalka Shiinaha.
Madaxweynaha ayaa ugu danbeyn u mahadceliyay shaqaalihii hore ee uu xil ka qaadista ku sameeyay isagoo sheegay in xilka uu yahay wareegta dadkuna ay u wda siman yihiin.