Wararka

Madaxweynaha dalka oo xeriir la sameeyay madaxda dalalka Jabuuti iyo Qatar.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka telefoonka xiriiray Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle waxaa ayna iska xog warayteen hannaanka iskaashiga labada dal ee ku wajahayaan xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay madaxweynaha Jabuuti in shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay la dareemayaan walaalahooda Jabuuti murugada iyo dhibaatada ka dhalatay daadadka ku fatahay dalkaas oo sababay khasaare naf iyo maalba ah.

Dhanka kale, Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya ayaa khadka taleefanka kula xiriiray Amiirka Dalka Qatar Amiir Tamiim waxaa ayna labada dhinac ka wada hadleen horumarinta iskaashiga iyo xiriirka labada dal, gaar ahaan dadaallada caalamiga ah ee lagu wajahayo xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay muhiimadda ay lee dahay mideynta dadaallada lagu xakameynayo faafidda cudurkan safmarka ah, isagoo soo bandhigay mudnaanta ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga ku aaddan is-weydaarsiga khibradaha, iyadoo gacan lagu siinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya tayeynta laamaha daryeelka caafimaad oo dagaal xooggan kula jira cudurka COVID-19.

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close