Wararka

Madaxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowlada dhexe oo maanta Qado sharaf ku yeshay Dhusa-mareb.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Galmudug qado sharaf ugu sameeyey madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Dalka.

Kulanka ayaa ahaa mid gogol xaar u ah shirka wadatashiga Dowladaha xubnaha ka ah DFS oo beri si rasmi ah uga furmaya caasimadda galmudug ee Dhuusamareeb.

Maalinimadii shalay ayay aheed markii ay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dalka ku wada xaadireen magaalada dhuusa mareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug oo gogol wada tashi uu ka furay madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Shirkaan ayaa ku soo aaday xili uu baaqday kulan uu ku dhaqaaqay madaxweynaha dowlada federaalka SOomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo kaas oo lagu asteeyay in uu qabsooma 5-ta bishaan luulyo balse waxaa ku yimid dib u dhac waana arrinkaas midka keenay in madaxweynaha Galmugud uu fidiyo gogoshaasi wada tashiga ah.

Madaxweynahayaaasha dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowlada dhexe oo si isku mid ah ugu warbixiyay socdaalkooda ayaa ku dheeraday muhiimada uu kulankaasi u leeyahay shacabka Soomaaliyed waxaa ayna hoosta ka xariiqeyn in ay ka soo bixi doonaan qodoba muhiim u ah horusocodka iyo horumarinta dimuquraadiyada dalka iyo dadka sooomaaliyeed.Image may contain: 1 person, sitting and indoorImage may contain: 3 people, people sitting and indoorImage may contain: one or more people, people sitting, table and foodImage may contain: 3 people, people sitting and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close