Wararka
Wasiirka Maaliyada oo ka warbixiyay kulamadii uu la soo qaatay madaxda IMF, World Bang iyo Bangiga Horumarinta Afrika.

Wasiirka Maaliyadda xukuumada federaalka Soomaaliya Dr. Abdirahman Dualle Bayle oo maanta xafiiskiisa ku qabtay kulanka Bill aha ah ee uu ugu warbixiyo faah-faahinta Maaliyadeed ee Dalka iyo waxyaabihii u qabsoomay Bishii tagtay ayaa waxaa uu kaga hadlay kulamadiisi ugu danbeeyayay ee uu la qaatay madaxda hey’ada ha kala ah, IMF, World Bang iyo Bangiga Horumarinta Afrika.
Sidookale wasiir Bayle ayaa rajo wanagsan ka buujiyay barnaamijka deyn fainta dalka waxaa uuna sheegay in sanadka 2020-ka ay filayaan in dalka laga cafiyo deemaha lagu leeyahay.
Wasiirka maaliyadda ayaa ugu danbeyn waxaa uu ka hadlay mishear kordhin loo sameeyay Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliyeed.
Waxaan maanta qabtay Barnaamij kii la kulan ‘WASIIR-KAAGA’ oo bil waliba aan Bulshada ku siiyo faah-faahinta Maaliyadeed ee Dalka iyo waxa inoo qabsoomay Bishii ina dhaaftay.
“Waxaan soo bandhigay natiijadii ka soo baxday shirarkii aan la soo galay madaxda hey’ada ha kala ah, IMF, World Bang iyo Bangiga Horumarinta Afrika”.
“Waxaa kale oo aan bulshada la wadaagay hiigsigeena ku aadan hanaanka Deyn-Cafinta oo aan rajo wanaagsan ka leenahay sanada soo socota ee 2020, sidoo kale waxaan Miisaaniyadda Dalka ee 2020 mushaar kordhin u sameynay Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Wasir Bayle.