Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo amar ku bixiyay in muddo 3-maalin ah calanka hoos loo dhigo.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Cumar (Eng. Yariisow) oo goor dhaw ku geeriyooday Magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Guddoomiye Yariisow ku sifeeyay in uu ahaa shaqsi naftiisa iyo waqtigiisaba u huray u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyaynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Cumar (Eng. Yariisow), Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii magaalada Muqdisho. Marxuumku waxa uu naftiisa iyo waqtigiisaba u huray u khidmeynta shacabka Soomaaliyeed isaga oo ka soo qayb qaatay dadaalladii dib loogu dhisayay dowladnimada Soomaaliya xilliyo kala duwan.” Ayuu yiri Madaxweyne farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in Injineer Yariisow ay ku xasuusan doonaan sidii hagar la’aanta ahayd ee uu ugu khidmeeyay dalka iyo dadka Soomaaliyeed. “Waxaa lagu xasuusan doonaa sidii hagar la’aanta ahayd ee uu ugu khidmeeyay dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo dadaalkii uu geliyay horumarka magaalada Muqdisho iyo la dagaalanka argagaxisada oo uu ka qaatay dowr muuqda.“

Madaxweynaha ayaa faray dhammaan hay’adaha dowladda in hoos loo dhigo Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya inta lagu jiro baroordiiqda Guddoomiyaha oo soconaysa muddo 3 cisho ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Eebbe uga baryay Marxuumka inuu hoygiisa ka yeelo Jannada Firdowsa, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo.

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close