Wararka

Wasiirka Cusub ee waxbarashada Galmudug oo xilka la wareegay.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay Magaalada Dhuusa-mareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa xilkii ku kala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradda Waxbarashada Galmudug maxamed deeq Falko iyo Wasiirka cusub ee wasaarada waxbarashada Galmudug Maxamed Abdi Dhoore.

Munaasabada waxaa goob Joog ka ahaa madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Dahir Ciid waxaa uuna u mahadceliyay wasiirkii hore iyo dhamaan shaqaalaha wasaaradda waxbarashada Galmudug isagoo dhanka kale kula dar-daarmay wasiirka cusub in uu halkaasi kasii wado shaqada adage e hortasha.

“Waxaan maanta Xilka u kala Wareejiyay wasiirkii hore ee wasaaradda Waxbarashada Galmudug maxamed deeq Falko iyo Wasiirka cusub ee wasaarada waxbarashada Galmudug Maxamed Abdi Dhoore, Waxaan umahadcelinayaa wasiirkii hore iyo dhamaan shaqaalaha wasaaradda waxbarashada Galmudug oo shaqo ba,laaran kasoo qabtay hormarinta Tacliinta Galmudug”.  Ayuu Yiri Ciid.Image may contain: one or more people, people sitting and indoorImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 2 people, people standing

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close