Wararka

Maareye oo kormeer ku tagay xarunta murtida iyo madadaalada tiyaatarka qaranka.

Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye)  Wasiir Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumada fadaralka Soomaaliya, ayaa Maanta kormeer ku tagay Golaha murtida iyo madadaalada tiyaatarka qaranka Soomaliya oo ay ka socoto dib u dhis xoogan.

Booqashada wasiirka ayaa waxa ku wehlinayey wasiirka maaliyada xukuumada fadaralka Soomaliya, C/raxmaan Ducaale Beyle iyo Maareeyaha Xarunta Golaha Murtida iyo Mada-daalada Qaranka Maxamed Abuukar Ma’da ayagoona intii ay halkaasi ku sugnaayeen kulamo la qaatey ingineerada ku howlan dhismaha tiyaatarka oo intiisa badan lagu dhisay barnaamijka isxilqaan.

Masuuliyiintan ayaa howlwadeenada shada adag ka wada tiyaatarka waxa ay ku amaaneen howsha wanagsan ee ay hayan iyagoona u ballan qaadeen in ay diyaariyaan wixii dhinaca Dowladda ku dhiman.

Maxamed cabdi xayir maareeye wasiirka warfaafinta xukumada fadaralka soomaliya ayaa tilmaamay  in 80% ay dhamaatay shaqadii halkaasi ka socotay taasina ay shaarf wayn u tahay dowlada fadaralka soomaliya oo u sura gashay in ay isxilqaan wax ku dhistaan

Waxana uu ugu dembeyn amaan iyo bogaadin usoo jeediey maskaxdii ka dembeysay barnaamijkan isxilqaan oo ay ay hormuudka u yihiin madaxweynaha jamhuuroiyada fadaralka soomaliya Maxamed C/lahi Farmaajo iyo raysuwlasaraha dalka Xasan Cali Khayre.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close