Wararka
Tirada dadka ku dhintay dibadbaxyada qalalaasaha wata ee Itoobiya oo korodhay.

Milateriga Itoobiya ayaa waxaa loo daadgureeyay caasimadda dalkaas si ay u xakameeyaan dibadbaxyada ay dadka badan ku dhinteen ee ka dhashay dilka heesaagii caanka ahaa ee Hachalu Hundessa.
Ugu yaraan 81 qof ayaa lagu soo warramayaa in tan iyo habeenkii Isniinta ay ku dhinteen qulqulatooyinkaas rabashadaha wata ee ka dhacay gobolka uu ninkaas ka soo jeeday ee Oromiya.
Kumannaan qof oo taageerayaashiisa ah ayaa waxa ay isugu soo baxeen sidii ay ugu baroordiiqi lahaayeen Hachalu Hundessa, kaas oo isagoo gaarigiisa wata la dilay habeenkii Isniinta.
Booliska ayaa sheegay in 35 qof oo uu ku jiro siyaasiga caanka ah Jawar Maxamed xabsiga loo taxaabay.
Ilaa iyo haatan ma ay cadda sababta keentay in ninkaasi loo dilo, maanta ayaan mayd ninkaasi la aasi doonaa.
Hasayeeshee booliska ayaa sheegay inay dilka ninkaasu u xireen laba qof.
Hachalu, oo 34 jir ahaa, wuxuu dhawaan sheegay inay soo gaareen hanjabaado loogu gooddinayay in la dili doono. Waxaa meydka fannaankan la aasi doonaa maalinta Khamiista ah.
Heesihiisa wuxuu diiradda ku saari jiray xuquuqda qowmiyadda Oromada ee dalka Itoobiya, waxayna halkudhig u noqdeen mudaharaadyadii socday 2018-kii ee horseeday inay burburto dowladdii uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaarihii hore.
“Ilaa iyo hadda 81 qof ayaa la dilay, oo ay ku jiraan saddex askari oo booliska gobolka Oromiya ah,” Ararsa Merdasa, madaxa booliska gobolka Oromiya ayaa sidaas ka sheegay shir jaraa’id oo uu taleefishinka ku qabtay.
Dad badan ayaa ku dhaawacmay dibadbaxyadii dhacay Talaadadii, “waxaana burbur xooggan loo geystay hanti badan,” sida uu BBC-da u sheegay Getachew Balcha, oo ah afhayeenka dowlad goboleedka Oromada.