Wararka
Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka oo deeq ku wereejiyey Guddiga Qaran ee la tacaalida Iyo ka hortaga cudurka Covid 19.

Haweenka Qaranka Soomaaliyee ayaa iska soo aruuriyay deeq Maaskarada Afka lagu xirto oo ay ku wareejiyeen guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka kuwaas oo deeqdaasi u sii gudbiyay Guddiga Qaran ee la tacaalida Iyo ka hortaga cudurka Covid 19.
Guddoomiyaha guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibrahim Xaliimo Yareey oo ka warbixisay deeqdaan ay Haweenka Qaranka u soo wakiisheen ayaa sheegtay in ay gaarsiisan yihiin heer ay warshadaha dalka ku yaalla ay awood u heleen in ay soo saaraan Maaskarada afka lagu xirto.
Guddoomiyaha guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo ayaa waxaa deeqdaan ka Guddoomay Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee la tacaalida Iyo ka hortaga cudurka Covid 19 Maxamed Cabdi Xayir Maare oo u mahadceliyay haweenk Soomaliyeed oo masuuliyad iska saaray sidii ay garab ku siin lahaayeen shacabka Soomaaliyeed xili lagu jiro wakhto adag.
guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka oo deeq ku wereejiyey Guddiga Qaran ee la tacaalida Iyo ka hortaga cudurka Covid 19
Posted by TUSMO TV on Monday, 4 May 2020