Wararka
Madaxweynihii hore ee dowladii Kumeel gaarka oo kulan la qaatay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada midoobe u joooga Soomaliya.

Madax katirsan xisbiga Himilo oo uu ugu horeyo Hoggaamiyaha Xisbiga Shariif Sheeq Ahmed ayaa maanta kulan la qaatay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada midoobe u joooga Soomaliya Amb. James Swan.
Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheeq Ahmed oo kulanka ka warbixiyay ayaa sheegay in ay kawada hadleen isaga iyo Amb. James Swan sidii dalka loo hormarin lahaaa gacmahana la’isku qabsan lahaa si caqabadaha jiro looga gudba.
“Waxaan kulan gaar ah la qaadannay aniga iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga Himilo Qaran Madaxa howlgalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Amb James Swan. Waxaan ka wada hadalnay caqabadaha siyaasadeed ee jira iyo aragtida xisbiga Himilo Qaran ee ah sarreynta sharciga, Soomaaliya oo is wadata, wadatashata, gacmahana isku qabsata sidii dalka loo horumarin lahaa”.ayuu yiri Shariif Sheeq Ahmed.
Madaxweynihii hore ee dowladii Kumeel gaarka Soomaaliya Shariif Sheeq Ahmed ayaa ugu danbeyn u mahadceliyay Qaramada Midoobey iyo saaxiibada kale ee Soomaaliya taageero.