Wararka
Maxkamad ku taasho Hague oo danbi ku heshay mid kamid ah Ragii loo haystay dilka Ra’isal wasaarihii Lebanon.

Mid kamid ah afartii nine e loo haystay dilka Ra’iisal wasaarihii hore ee Lebanoon ayaa lagu helay danbi. Maxkamad gaar ah oo ku taasha magaalada Hague ee dalka Netherlands ayaa sheegtay in Salim Ayyash uu dil u gaystay Rafik Hariri, ra’iisal wasaarihii Lebanoon.
Salim Ayyash iyo seddexda kale ayaa lagu soo eedeeyay dalka Rafik Hariri oo dhacay 2005 waxaana kadib loo taxaabay maxkamad 2014-kii.
Afartaan nin ayaa dhamaantoot ka wada tirsanaa ururka Hezbollah, waxaa uuna dalkaasi Lebanon wixii markaasi ka danbeeyay uu galay qal qal siyaasadeed.
Ayyash ayay maxkamadu sidoo kale sheegtay in lagu helay Fal waxa ay ugu yeeraan Argagixiso, dilkii Hariri, iyo dilka 21 ruux oo kale.
Xukanka ninkaan ayaa kusoo aadayo xili caasimada dalkaasi uu ka dhacay qaraxyo laba ah kuwaas oo gaystay qasaaro nafeed iyo bur bur hanti intaba taas oo dhalisay dibax bax ballaaran oo ay dhigeen shacabka reer Lebanon oo qasabtay in uu is casilo Ra’isal wasaarihii dalkaas.