Wararka

Imtixaanka Shahaadiga Puntland oo la shaaciyay iyo gabadh kaalinta kowaad u gashay.

Wasarada waxbarshada iyo tacliinta sare ee dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta ku dhawaaqday natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee Ardaydu galeen.

Munaasabad ay goobjoog ka ahaayeen masuuliyiinta ugu sareysa wasarada waxbarshada Puntland iyo waliba wasiirka wasarada caafimaadka mamaulkaasi ayey wasaradu ku shaacisay natiijada imtixaanka iyadoona sidoo kale soo saartey 10 arday ee ugu sareysa imtiuxaanka waxana xusid mudan in 10-kaas arday 6 ay gabdho yihiin.

Maryan Abdikariin oo dhigata Dugsiga Sare ee Al-waaxa Garowe ayaa noqday Ardayadii ugu sarreeyay Imtixaanka Fasalka 4-aad ee dugsiyada Sare sanadka 2019-2020

Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada Puntland Maxamed Cali Faarax, ayaa fahfaahin ka bixiyay marxaaladaha u soo maray Imtixaanka ay maanta Natiijadiisa ku dhawaaqday wasaaradu,

Wasiirka wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Cabdulaahi Maxamed Xassan ayaa ku dhawaaqay natiijada Imtixaanadka shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare ee puntland.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close