Wararka
Hay’adda NISA oo sheegtay in qaraxii 28-Dec-2019 ka dhacay Muqdisho uu qorshihiisa lahaa dalk shisheeye.

Hay’adda Sirdoonka NISA ayaa sheegtay in ay waddo baaritaanno la xeriiro ciddii ka danbaysay qaraxii shalay waxaa ayna intaasi ku dareen in weerarkii loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ay ku lugleeyihiin dowlada Shisheeye.
Hay’adda ayaa madaxda qaranka u gudbisay warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in qaraxii Shacabka Soomaaliyeed loogu gaystay Ex-control Afgooye, 28-Dec-2019, ay qorshayntiisa laheyd Dal shisheeye.
Qoraal kooban oo lagu qoray Bogga Twitter-ka ee NISA ayaa lagu yiri” Waxaan madaxda qaranka ugudbinay, warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, uu qorshayntiisa lahaa Dal shisheeye. Baariitaanka socda si loo dhamaystiro, waxaan la kaashan doonnaa Hay’adaha sirdoonka Caalamka qaarkiis”.