Wararka
Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland oo safar shaqo ku tagay Degmada Isku-Shuban ee Gobalka Bari.

Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad ayaa safar shaqo ku gaaray Degmada Isku-Shuban ee Gobalka Bari
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad waxaa safarka ku wehlinayey Wasiirka Tamarta iyo Macdanta DPL, Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Bari.
Ujeedka safarka Waftiga uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ayaa ku saabsan kormeer shaqo iyo dhismaha maamulka iyo Golaha deegaanka Degmada Isku-Shuban wacyi galinta Hannaanka Geedi Socodka Dimuquradiyada Puntland.
Waftiga uu hogaaminayey Wasiirka Waxaa Degmada Isku-Shuban ku soo dhaweeyey Degmada, odayaasha dhaqanka Iyo baqolaal kamid ah shacabka Degmada Isku-Shuban.