Wararka
Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamanka KGS Oo maanta si rasmi ah xilkiisii ula wareegay.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay Magaalada Baydhabo ayaa waxaa xilka kula wareegay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Dr Cali Saciid Fiqi.
Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka maamulkaasi Koonfur galbeed Soomaaliya Cabdiqaadir Shariif Sheequnaa Meeye oo haatan ah wasiiro dowlada wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay munaasabadaan uu xilka ku wareejinaayay waxaa uuna kula dar daarmay Guddoomiyaha cusub in uu xoogga saaro sidii uu u gudan lahaa waajibaadka dastuuriga ah ee saaran.
Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Dr Cali Saciid Fiqi oo dhankiisa ka hadlay xaflada xil wareejinta ayaa u mahad celiyay Guddoomiyihii hore Baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya isagoo u rajeeyay in uu Ebba u fududeeyo xilka looga magacaabay Qaranka Soomaaliya.