Wararka
Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo dalka dibadiisa ku maqnaa oo lagu wada in ay goor dhaw soo garan Casimada.

Wefdi Uu Hogaaminayo Guddonka Labada Aqal ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaliya Ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa in ay kasoo dagtaan garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabulle.
Wafdiga ayaa kasoo amba baxay Magaalada Istanbul ee caasimada dalka turkiga waxaana Istanbul kasoo qaaday diyaarad qaas ah.
Guddomiyaha Golaha Shacabka BJFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman Iyo guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS Cabdi Xashi Cabdilaahi waxaa safarka ku wehlinaayo Mdaxweynihii Hore ee dalka Xassan Sheekh Maxamuud iyo Qaar Kamid Xildhibano Ka Tirsan Baarlamanka Soomaliya.