Wararka
Guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas oo maxkamad loo soo taagay.

Masuuliyiin hore oo ka tirsanaa maamulka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta kasoo hor-muuqday maxkamadda ciidammada Qalabka.
Guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi (Cawaale) iyo Nuur Ibraahim Mahad-Alle ayaa maanta la horkeenay maxkamadda ciidammada Qalabka Sida, iyagoo loo heysto eedeymo la xiriira Qarax uu ku dhintay guddoomiye ku xigeenkii arrimaha Amniga iyo Siyaasadda degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Ilaa iyo hadda waxfaahfaahin ah oo intaasi dheer lagama helin masuuliyiinta maxkamadda ciidammada Qalabka Sida iyo eedeemaha la xeriira in masuuliyiintaasi hore ugu tirsanaa maamulka Hershabeelle ka danbeeyaan dilka guddoomiye ku xigeenkii arrimaha Amniga iyo Siyaasadda degmada Maxaas.