Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo wadahadallo laba geesood ah layeeshay dhiggiisa Marocco.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa wadahadallo laba geesood ah kula yeeshay dhiggiisa Marocco, Mudane Nasser Bourita, shalay gelinkii dambe oo Talaado ahayd (26 Maarso) Magaalada Rabat, xilli maanta ay u soo gaba-gaboobmayso booqashadiisa rasmiga.

Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa wadahadallo laba geesood ah kula yeeshay dhiggiisa Marocco, Nasser Bourita, shalay gelinkii dambe oo Talaado ahayd (26 Maarso) Magaalada Rabat, xilli maanta ay u soo gaba-gaboobmayso booqashadiisa rasmiga.

Kulanka oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa diiradda lagu saarray xiriirka walaalnimo ee adag ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Marocco iyo horumarrada xaaladaha gobolka.

Xiriirka u dhexeeya labada shacab ee Soomaaliya iyo Marocco ayaa ah xiriir taariikheed qotodheer oo soo taxanaa ka hor gumeysigii reer galbeedka ee ku duullaamay wadamada iyo dhaqanka shucuubta Afrika. qoysas Soomaaliyeed ayaa degay oo ku noolaaday Magaalada Ouarzazate, oo ku taalla koonfur bari dalka Marocco, halkaasi oo ay Soomaalidu ka dhiseen Masjidkii ugu horreeyay ee dhaxal taariikheed ah sanadkii 1922, waxaana loogu yeeraa Masjidka Soomaalida.

Labada Wasiir Arrimo Dibadeed ee Soomaaliya iyo Marocco ayaa waxa ay carabaabeen inay ku faanayaan heerka fariidnimo ee xiriirka Soomaaliya iyo Marocco, iyaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la ballaariyo iskaashi dhinac kasta leh, si gaar ah arrimaha dhaqaallaha, maalgeshiga, amniga, milatariga, dhaqanka, cilmiga, garsoorka, arrimaha qunsliyadeed iyo bulsho, iyo sidoo kale in la isku duba-rido , lagana tashado mowqifyada laga qaadanayo arrimaha kala duwan oo ah wax ka dhabaynaya dano wadaagga labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.

Intii wadahadalladu socdeen, labada wasiir waxa ay wada saxiixdeen seddex heshiis is-afgarad oo kala ah dhimaha guddi iskaashi oo wadaag ah, habka latashiyada siyaasadeed iyo tababarada diblomaasiyadeed oo ah heer akadeemi iyo cilmiyeed.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close