Wararka

Golaha Wakiilada Puntland oo Ansixiyay Xeerka Isgaarsiinta Puntland.

Caasimada Garoowe waxaa ka furmay Fadhiga 29-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada Puntland, uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2-aad , Ismaaciil Maxamed Warsame.

Ajandaha Fadhiga maanta ayaa ahaa Dib-u eegista Xeerka Isgaarsiinta Puntland, oo ay soo gudbiyeen Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka Golaha Wakiillada dowlad goboleedka Puntland.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL ayaa loo qeybiyay Xeerka Isgaarsiinta DPL oo lagu soo saaray faafin rasmi ah Bishii Dec 25, 2007.

Xeerka Isgaarsiinta Puntland ayaa Golaha Wakiillada DPL ansixiyeen Dec 11, 2007, waxaana Guddiga joogta Golaha Wakiillada DPL go’aan ku ogolaaday Dib-u eegistiisa Jan 01, 2020 sidaasna uu uga mid noqday Ajandaha Fadhiga 46-aad ee Golaha Wakiillada.

Fadhiga oo ay joogeen 40 Xildhibaan waxaa u codeyay Ogol 37 Xildhibaan, Diidmo 0, Aamus 3 Mudane.

Dhinaca kalena, waxaa si rasmi ah uu Gudoomiyaha Golaha Wakaalada Dowladdu usoo xiray kalfadhiga 46-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland kaas oo soo socday illa June 15, 2020.

Kalfadhiga 46-aad ee Golaha Wakiillada DPL ayaa noqday Kalfadhigii ugu horeeyay oo Puntland muddo 15 sanno ah si joogta 29 fadhi ay isugu yimaadaan Xildhibaannadda Golaha Wakiillada.Image may contain: 3 people, people sitting and indoorImage may contain: 1 person, sitting and indoorImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 1 person, sitting, suit and indoorImage may contain: 2 people, people sitting, table and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close