Wararka
Madaxweyne Trump oo kulan la qaatay Madaxweynaha cusub Yurub.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha cusub ee guddiga Yurub Ursula von Der Leyen kadib ka qayb galkoodi shirka dhaqaalada aduunka oo ka dhacay magaalada Davos ee dalka Switzerland.
Kulanka madaxweyne Donald Trump iyo Ursula von Der Leyen ayaa la sheegay in ay ugu wada hadleen arrima la xeriira dhanka Ganacsiga iyo sidii loo xoojin lahaa xeriirka ganacsi ee dowladaha yurub iyo Maraykanka ka dhaxeeyo.
Sidoo kale kulankaan ayaa kusoo aadaayo iyadoo uu mad-madoow soo kale dhex galay dowladaha Maraykanka iyo Faransiiska kaas oo ku aadan canshuuraha laga qaado kambaniyaasha teknoolijiyada ee dhaqaalaha badan ku leh dalka Faransiiska.
Wasiirka Baaliyadda dalka Faransiiska Bruno Le Maire ayaa sheegay in madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron uu qadka taleefonka kala hadlay dhigiisa dalka Maraykanka iyagoo ku heshiiyay in ay labada dhinac ka dheeraadaan wax kasto oo dhibaato keeni karo oo labada dhinacba aan faa’iido ugu jirin.