Wararka

Duqa Muqdisho oo wacad ku maray in sharciga la horkeeni doona Askari dil u gaystay Labad muwaadin.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ku baxay xalinta banaanbax ay dhigaayan dadweyne aad u tirabadan oo ka gudoodsan dil uu 2-qof oo shacab ah u geestay Askari katirsan ciidanka Boliiska Soomaaliyed gaar ahaan saldhiga degmada Boondhere.

Duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish ayaa fagaaraha taalada Daljirka Dahsoon kula hadlay dibadbaxyaasha waxaa uuna sheegay in dowlada ay diyaar u tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay sharciga u horkeenta gacan ku dhiiglihii falkaas gaystay.

“Waxaan marka hore idin kaga tacsiyeenaya dhibkii dhacay oo ahaa mid aad u foolxun islamarkaana qalbigeyga xanuujisay waana sababta keentay inaan hortiina imaado, sidoo kale madaxda dowlada wey xanuujisay waxeyna diyaar u yihiin in sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga loo horkeeno gacan ku dhiiglihii falkaas arxandara ah geestay. ayuu Yiri Cumar Filish.

Dhankale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa taliska qeybta guud gobolka Banaadir ee ciidanka boliiska Soomaaliyeed kula kulmay qoysaskii marxuumiinta wax uuna u sheegay in sharciga si deg deg ah loo horkeeni doono gacan ku dhiigle Xasan Aadan Xasan oo ah askarigii dilka geestay, sidoo kale duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay dolwada ay garab taagan tahay qoysaska marxuumiinta gardara lagu dilay.Image may contain: 9 people, crowd and outdoorImage may contain: 7 people, crowd and outdoorImage may contain: one or more people, sky and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close