Wararka

Ra’isal wasaarihii ugu muddada dheera Japan oo is casilaayo galinka danbe ee manta.

Ra’isal wasaaraha ayaa ka cabanaayo caafimaad daro kadib markii Isla Isbuucaan laba isbitaal la jiifiyay kuwaas oo baaritaano ku sameeyay. 

Xisbiga talada dalkasi haayo oo ka waramay xaaladaan cusub ee soo wajahday ayaa sheegay In caafimaadka Ra’isal wasaaraha ay tahay mid wanagsan balse arrinka is casil kiisa ay keentay kadib markii ay badatay booqashadiisa IsbitaalkaWaxaa ayna go’an sadeen in uu xilka iska casilo ka hor wakhtigiisa oo ku eg Bisha September 2021. 

Shinzo Abe ayaa ka soo baxay Jaamacada Seikei 1977, ka hor inta uusan siyaasada ku biirin waxaa uu ka soo shaqeeyay kobe Steel 1979 ilaa 1982-dii. 1992 ayaa markii ugu horaysay  loo doortay xildhibaan. 2006 iyo 2007 ayuu markii ugu horaysay sabab caafimaaga casilay xilka ra’isal wasaaraha balse 2012-kii ayaa mar kale dib loo doortay. 

Shinzo Abe waxaa uu ku  dhashay  Magaalada Tokyo 21kii bishii September 1954 tii. Waa wilka wasiirkii hore ee arrimaha daibada waxaana sidoo kale awoow u ah ra’isal wasaare hore ee dalkaasi Japan Soo maray. Abe waa hoggaamiyaha xisbiga dimuquraadiga ee Liberal. 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close