Wararka
Dowlada Soomaaliya oo xafiiska Arrimaha Qunsuliyadaha Ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ka furatay Puntland.
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta xarigga ka jaray Xafiis ay Garoowe ka furatay Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xafiiskan oo arrimaha Qunsuliyadaha u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaqadiisu noqonaysa fududeynta Dukumentiyada qaadashada Baasaboorka oo awal loo aadi jiray Muqdisho.
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ka hadlay furitaankii Xafiiskan, ayaa bogaadiyey in Garoowe laga hirgeliyey Xafiis ay leedahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo fududeynaya Dukumentiyo iyo Waraaqo awal Safar loogu gali jiray caasimada dalka.
Furitaanka Xafiiska arrimaha Qunsuliyadaha ee Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku weheliyey, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Puntland, Saraakiil ka socda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Taliyaha Ciidamada Booliiska Puntland iyo Guddoomiyaha Degmada Garoowe.