Wararka
Askar loo haystay dilkii AUN Cabdikarin Dhagajuun oo la fasaxay.

Maxkamadda ciidamada Soomaaliya ayaa fasaxdey laba kamid ah eedeysaneyaasha dilka guddoomiyihii degmada Hodan, Cabdixakiim Dhagajuun.
Cabdiraxmaan Isaaq Cabdullaahi iyo Xasan Abuukar Maxamuud ayay xeer-ilaalinta kala noqotay dacwaxda. Shan eedeysane ayaa hadda kusoo hartey kiiska oo doodiisu ugu culus ay tahay in toogashadu ahayd ola-kac iyo mid aan ku talagal ahayn.
Guddoomiyaha Maxkamadda darajada Koowaad ee ciidanka qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa maanta soo xiray dhagaysiga kiiska dacwada loo haysto askarta iyo saraakiisha lagu eedeeyay dilka gudoomiyahii degmada Hodan Dagajuun waxa uuna sheegay in maxkamada ay go’aan ka soo saari doonto “sida ugu dhaqsiyaha badan”.