Wararka
Ra’isal wasaaraha dalka oo ka hadlay dibadbixii rabshadaha watay ee maanta ka dhacay casimada dalka.

Ra’isal wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Hussen Roble ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka xili saacadihii ugu danbeeyay ay caasimada wajahday qalalaaso dibad baxyo.
Ra’isal wasaaraha ayaa sheegay in ay nasiib daro tahay in wakhtigaan casriga uu shaqsi sheegto in uu xoog kula wareegay saldhigyada casimada iyo bara kale oo muhiim ah waxaa uuna shacabka Soomaaliyeed uu ka codsaday in ay laamaha amniga la shaqeeyaan.
“Doorashadu way dhacaysaa, diyaar ayaanna u ahay in aan la fariisto cid kasta oo tabasho qabta. Shacabka waxaan ugu baaqayaa in aysan aqbalin in laga burburiyo nabadda ay haystaan, hantidooda iyo guryahooda”. ayuu yiri Ra’isal wasaaare Roble.