Wararka
Erga ka socota degmada Cadaado oo gaaray magaalada Dhusamareeb.
Waxaa maanta magaalada Dhusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka G/Mudug gaaray Ergada degmada Cadaado uga qaybgalaysa shirka dib-u-heshiisiinta beelaha G/Mudug ee dhawaan furmi doona.
Wafdigaan oo ka kooban hoggaamiyayaasha bulshada iyo odayaal dhaqameed,waxaa halkaaasi si diirran ugu soo dhoweeyey xubno ka tirsan Guddiga Qabanqaabada Shirka dib-uheshiisiinta, Waxgarad, Eegadii Horay Dhusamareeb u gaartay iyo bulshada Caasimada Galmudug ee Dhusamareb qaybaheeda kala duwan.
Ergada ayaa soo dhaweeynta ka dib waxaa la dajiyay dajiyay halkii loogu talagalay waxayna ka mahadceliyeen sida diirran ee loo soo dhaweeyay iyo sida ay ugu soo diyaargaroobeen ka qaybgalka shirka dib-u-heshiisiinta beelaha G/Mudug.