Wararka
Siihayaha Ra’iisal wasaaraha dalka oo daahfuray kulanka Madasha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga.

Siihayaha Xilk Ra’iisal wasaaraha dalka Mahdi Mohamed Guuled Khadar ayaa ka qayb galay furitaanka Madasha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ee bisha Agoosto oo looga hadlaayay xaaladda adeegsiga Afsoomaaliga ee Maamulka iyo Ganacsiga.
Madashaan ayaa waxaa bishaan looga hadlaayay “Xaaladda Adeegsiga AfSoomaaliga ee Maamulka & Ganacsiga”,
Sidoo kale Madashaan waxaa ku casuuman masuuliyiin ay kami yihiin Mustafa Muxumed Cumar, Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, Ambaasadoor Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Aqoon yahana kale.