CiyaarahaWararka

Chelsea oo ogolaatay in ay iska fasaxdo Maurizio Sarri.

Kooxda Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay ogolaatay in ay iska fasaxdo tababare Maurizio Sarri  si uu ugu biro kooxda Juventus sida uu sheegayo wargayska Sportitalia.

Warka ka soobaxaya madaxa wargayska Sportitalia ee Alfredo Pedulla oo ah saaxiib aad ugu dhaw Sarri kaas oo shaaciyay wararkii ku saabsana markii uu Sarri ka tagay Napoli kuna biiray Chelsea.

Saxafiga ayaa sheegay in uu wakiilka tababaruhu la kulmay madaxda kooxda Chelsea kuwaas oo agolaaday in uu Sarri isaga tagi karo kooxda xagaagan.

Sarri ayaa ku guulaystay koobkiisii ugu horeeyay arbacadii kadib 4-1 ku garaacday kooxda Arsenal finalka tartanka Europa league.

Waxa la rumaysan yahay in ay Chelsea ilaalinayso balan ay u qaaday tababaraha in uu iska tago kadib finalka Europa league xili ciyaareedkan.

Haatan shabakadaha kala duwan ee Sky Sport Italia , goal.com, iyo Corriere Dello Sport ayaa sheegaya in uu tababare Sarri u duuli doono Juventus sabtida ama axada si uu u dhamaystiro heshiiskiisa isla markaasna si rasmi ah loogu dhawaaqo magacaabistiisa.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close