Wararka
war deg deg ah: Soomaaliland oo xaalad deg deg ku soo rogtay deegaana hoostaga gobolka Sanaag.
Amar ka soo baxay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi aya xaalad deg-deg ah lagu galiyay deegaanada Degmooyinka Gar-adag, Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag, muddo saddex bilood ah.
Xaaladan degdeg ah ee la galiyay deegaanadan ka tirsan gobolka Sanaag ayuu madaxweyne Bixi ku shegay xaalada amni awgeed,sida uu warbaahinta u akhriyay afhayeenka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac.