Wararka
Ha’adda Qaramada Midobe oo war qoraal soo saartay.

War Qoraal ah Oo Si Wada Jir ah U Soo Saareen Jimciyadda Qurumaha Ka Dhexeysa,Midowga Yurub,Midowga Afrika,Britain,Mareykanka, Ayaa Waxa lagu Sheegay In ay Ku Taageerayaan Qorshaha Uu So Bandhigay Raiiusl Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre Ee Ku Aadan Sudigga Nabadgeliyada Dalka.
“Hay’adda Qaramada Midobe, Midowga Africa, Midowga Yurub, Dowladdaha Ingiriiska iyo Mareykanka Waxay Soodhawaynayaan waxqabadka muuqda ee ra’isal wasaare Hassan Ali Kheyre iyo saxibada soomaaliya ka caawiyo dib-u duhiska laamaha amaanka iyo qorshaha amaanka ee xukumadda dajisay.”
Sido kale warka kasoo baxay Qm Iyo Beeha caalamkaa ayaa waxa lagu sheegay in hadii ay dhaqan galaan qodobada ay xuseen ay u horseedi karaan degnaansho,iyo barwaaqo ka dhacda Soomaaliya iyo gud ahaan gobolka,waxaa sidoo kale ay ku booriyeen hogaamiyaasha Soomaalida in laga wada qeyb galo hanaankii looga miro dhalin lahaa horumarka iyo nabadda dalka.
“Waxaan dhiira galinaynaa go’aamka xukuumadda federaalka soomaaliya ee amaanka,dhaqaalaha iyo dib-udhiska siyaasada, waxaan hoosta ka xariiqaynaa inaan kala shaqayn doono. waxaan indhaha ku haynaa shirka Bangiga adduunka iyo ha’adda lacagta aduunka(IMF) ee kadhici doona magalada Washington ee cariga mareykanka bisha April. Waxaan sidoo kale isha ku haynaa kala guurka ciidamada AMISOM ee mus’uuliyadda amaanka aay ugu wareejiniyaan cidamada soomaaliya.” Ayaa lagu yiri qoraalka wadajireed ee QM iyo Beesh Caalamka.
Ugu dambeytii Qoraalka ayaa waxa lag yiri”Waxaan Ku Borinaynaa Daneeyayaasha Soomaaliya In ay Tageraan ayna Lashaqeyaan Oo aay Dadaal Wadajir ah Ka gaystaan Cawinta Xukuumada Iyo Dadka Soomaaliya Si aay Hormar Ugu Garaan Dib-U Dhiska ayadoo Loo Maraayo Wadahadalo”
Hadal Kan ayaa yimid Kadib Kulan Uu Dhawaan Raiiusl Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre La Qaatay Wakiilada Beesha Caalamka Iyo Amisom,Iyagoo Ka Wada Hadlay,Qorshayaasha Horumarineed Oo Ay Wado Dowladda Iyo Sidii Loo Taageeri Lahaa Qorshah Amni Ee Dowlada .