Wararka

Madaxweynaha dowladda Puntland oo la kulmay safiirka dalka Norway u qaabilsan Soomaliya.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magaalada Nairobi kulan kula yeeshay safiirka dalka Norway u qaabilsan Soomaliya Mrs Elin.

Kulankan madaxweynaha waxaa ku wehelinayey, wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad waxaana looga  wad-hadlay arrimaha amniga, dimuqoraaddiyadda, kobcinta dhaqaalaha, xoojinta doorka haweenka ee siyaasadda doorashooyinka xisbiyada badan, maalgeshiga, waxbarashada iyo la’dagaallanka argagixisada sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

War-saxaafadeedka ka sobaxay dowlada Puntland ayaa lagu sheegay in ambassador Ms. Elin ay dowladda Puntland ku ammaantay hormarka balaadhan ee ka socda ayadoo banaqaaday in dowladdeedu ay si dhow ula shaqaynayso Puntland, ayna kordhinayaan mashaariicda ay Norway ka fuliso Puntland.

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa u mahadceliyay dowladda Norway doorka wanaagsan ee ay mar waliba ka qaataan Horumarinta Soomaaliya oo dhan, gaar ahaan doorkooda wanaagsan ee Puntland khaasatan dhinacyada waxbarashada, Caafimaadka iyo doorashooyinka, waxaana uu kulanku kusoo dhammaaday is af-garad iyo guul.Image may contain: 3 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 1 person, sitting and indoorImage may contain: 2 people, people sitting and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close