Wararka
MADAXWEYE FARMAAJO OO KHUDBAD KA JEEDIYAY SHIRKA AFRIKA NOW.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadeaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmajo oo khudbad ka jeediyay shirkii Africa now ee lagu soo gabagabeeyay dalka Uganda ayuu kaga hadlay qodobo dhowr.
Madaxweyne farmaajo waxa uu madaxda Afrika ka codsaday in laga wada shaqeeyo sidii ay horumar ku gaari laheyd qaarada Afrika lana abuuro jawi nabdoon iyo mid isdhexgal.
Mar uu madaxweynuhu soo hadal qaaday arrimaha soomaaliya ayuu amaan kala dul dhacay dadka soomaaliyeed ee ku sugan dalalka Afrika iyo saameynta ay ku yeesheen dalalkaas dhinacyada ganacsiga iyo horumarka qaarada.