Wararka
Guddiga dib u eegista iyo la socodka ee baarlamaanka oo kulan la qaatay guddoonka Baarlamaanka dalka.

Guddiga dib u eegista iyo la socodka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay caasimada dalka ee Muqdisho waxaana kulankaasi Goob Joog ka ahaa guddoomiyaha golaha shacabka ee BJFS Maxamee Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ,guddoomiyaha golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Dalka Cabdi xaashi cabdullaahi Guddoomiye kuxigeenada koowaad iyo labaad ee Aqalka Sare iyo sidoo kale xubnaha Guddiga dib u eegista iyo la socodka ee baarlamaanka.
Xubnaha Guddiga ayaa guddoonka baarlamaanka dalka usoo gudbiyay warbixin dhameystiran oo ku saabsan dib u eegista dastuurka dalka iyo habraacii lagu ansixin lahaa.
Xildhibaan Burhaan Aadan Cumar oo ka mid ah xubnaha Guddiga oo ka warbixiyay kulanka ayaa sheegay in Sidoo kale waxyaabaha Kulanka looga hadlay ay ka mid ahaayeen sdii labada golaha ee baarlamaanka ay yeeshaan kulan wadajir ah.