Wararka
Maxaad kala socotaa dhacdadii ka dhacday Aqalka Cad?
wax badan ka ogoow dhacda aan horay loo fileyn oo ka dhacday Aqalka Cad ee Maraykanka.
Xili uu jeedinayay Khudbad ayay dhacday fal aan laga fileyn agaas in uu ka dhici karo. Madaxwenaha Mareykanka Donald Trump oo ka hadlaayay Shir Jaraa’id oo uu qabtay ayaa sheegay in qof lagu toogtay goob u dhow Aqallka Cad ee Mareykanka, kaddib markii uu ka baxay shirka jaraa’id.
Markii ay dhacdadaasi dhacday ayaa waxaa Madaxweynaha u yimid mid kamid ah ilaaladiisa gaarka ah oo ku wargaliyay in la toogtay ruux sitay hub kadibna u dhaadhiciyay goob kale.
Daqiiqada kadib Trump ayaa dib ugu soo laabtay shirkiisa Jaraa’id waxaa uuna waryaasha u sheegay sida ay wax u dhaceen isagoo u mahad celiyay ilaalada qarsoon.
“Aad ayaad u mahadsanihiin, kana raali noqda wixii dhacay, Waxaa jiray Toogasha Banaanka Aqalka cad. Waxayna u muuqataa in ay jirtay Kontorol La’isku haleyn karo. Waxaan jeclahay inaan ugu mahad naqa ilaalada qarsoon Shaqadooda dag daga iyo hubsiinada leh. Balse waxaa jirtay toogasha qofkasna waxaa loo qaaday Isbitaal mana ka saayo Xaaladiisa. Waxay u muuqataa in ruuxaasi ay toogteen ilaalada Qarsoon”. ayuu Yiri Trump.
Dhanka kale Bogga Twitter-ka hay’adda Sirdoonka Qarsoon ayaa lagu sheegay in ay socdaan baaritaano lagu samaynaayo sargaalka sirdoonka Qarsoon ee togashada u gaystay ruuxa aan la cadeyn waxa uu doonaayay. Sidoo kale waxaa ay sirdonka Qarsoon sheegeen in aysan jirin wax banaanbax ah ama dhibaato kale oo ka tagneed Aqalka Cad xiliga ay toogashada dhacaysay.
Ugu Danbeyn hay’adda Sirdoonka Qarsoon ayaa sheegtay in Sargaalka iyo Ruuxa toogashada loo gaystay labadoodaba ay yalaan Isbitaal.