Wararka
Soomaaliya oo gudbisay heshiisyo taariikhi ah oo ku aaddan dhowrista xaquuqda Shaqaalaha

Dawladda Soomaaliya ayaa markii u horreysay gudbisay toddobo heshiis oo caalami ah ,kuwaaso ku aaddan xaquuqda Shaqaalaha.
Munaasabad ka dhacday Talaadada maanta xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo habka fogaan aragga uu uga qeybgalay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Adduunka (ILO) , Guy Ryder iyo saraakiil kale ayaa si rasmi ah wuxuu Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Duraan Axmed Faarax uu ku gudbiyay toddobo heshiis.
“Waa dhacdo taariikhi ah, waxay Soomaaliya maanta hormuud ka noqotay toddobo heshiis oo caalami ah oo la xiriira xaquuqda Shaqaalaha.” ayuu yiri Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax.
Heshiisyadan maanta ay xareysay hay’adda caalamiga ah ee Shaqaalaha Adduunka ILO waxaa qeyb ka ah Caafimaadka iyo Bad-qabka Shaqaalaha, Xaq-dhowrka Shaqaalaha muhaajiriinta,la-dagaallanka dhibaateynta iyo handadaada Haweenka shaqeeya iyo iskaashiga saddex geesoodka, ee Dawladda, Loo shaqeeyaha iyo Shaqaalaha.
Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa dabayaaqadii bishii December ansaxiyay toddobada axdi oo qeyb ka ah heshiisyada urur-weynaha Shaqaalaha ee ILO,kuwaa oo muhiimad u leh ma’baadiida aasaasiga ah iyo xaquuqda Shaqada.