Wararka
Maamulka Gobolka Banadir oo la wareegay masuuliyada Waxbarashada Gobolka.

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada Hiddaha Iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta masuuliyadda waxbarashada ku wareejiyay Maamulka Gobolka Banaadir.
Munasabada xil wareejinta ayaa waxaa Goob joog ka ahaa sii hayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomalaiya,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Wasiiro, Garyaqaanka Guud ee Dalka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed, Bahda Waxbarahada.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre ayaa munaasabadda kaga Hadlay ahmiyada ay leedahay in waxbarashada lagu wareejiyo maamulka Gobalka Banaadir.
“Waxaa sharaf iyo farxad weyn ii ah in aan maanta si rasmi ah u dhameystiray daadajinta masuuliyadda waxbarashada ee Gobolka Banaadir. Laga bilaabo maanta Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare waxay masuuliyadda waxbarashada Gobolka ku wareejisay Maamulka Gobolka Banaadir, isla markaana loola macaamili doono si lamid ah Dowlad Goboleedyada kale ee Dalka” Ayuu yiri Wasiir Godax.