Wararka
14 maalin oo lagu kordhiyay Xanibaddii isu imaatinka goobihii horey loo cayimay.

Gudiga Qaran ee ka hortaga Cudurka Safmarenka ah ee Coved 19 oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa mar kale kordhiyay Muddada xayiraadda ee goobaha dadweynaha Isugu yimadaan oo ay kamid yihiin Jamacadaha, Iskoolada iyo Goobaha lagu qabto xafladaha.
Guddiga ayaa sheegay in Laba Asbuuc oo kale ay ku dareen xayiraadda isku imaatinka waxaa ayna shacabka Soomaaliyeed ka codsadeen in ay sharuucda iyo tilmaamaha wasaaradda caafimaadka u hoggaansamaan.
17-kii bishaan Maarso ayay ku ekeed Go’aanka Gudiga Qaran ee ka hortaga Cudurka Safmarenka ah ee Coved 19 ka soo sareen goobaha waxbarashada iyo meelaha la’isugu yimaado.