Wararka

Madaxweyne Deni oo dalacsiyay dhamaan saraakiishii ka qayb gashay Badbaadinta shacabka Qardho.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku sugan magaalada  Qardho ayaa maanta kor meer ku tagay  Xarunta Tababarada Ciidamada ee Xorgoble.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta oo tabar uga socdo xerada xorgoble, wuxuuna ka dib warbixin ka dhegaystay Saraakiisha Ciidamada iyo Masuuliyiinta Xarunta.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey doorkii Ciidamadu ka qaateen badbaadinta Shacabka Qardho intii ay socotay Fatahaadaha ku soo rogmaday Magaalada isagoo hal darajo dalacsiiyey dhammaan ciidamadii ka qeyb qaatay howlgalkaasi lagu badbaadinayey Shacabka.Image may contain: sky, cloud, outdoor and natureImage may contain: one or more people, people standing, sky, cloud, outdoor and nature

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close