Wararka
Madaxweyne Biixi oo xubna cusub kusoo daray golahiisa wasiiradda halka uu xilalkii ka qaaday kuwa kale.

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta wareegta kasoo baxday xafiiskiisa waxaa uu xilil kaga qaaday qaar kamid ah golahiisa wasiiradda halka uu magacaabay xubno cusub oo kusoo biiray golaha wasiirada maamulka Somaliland.
Muuse Biixi Cabdi ayaa xubnaha cusub ee uu wasiirada u nagacaabay gaarayaan ilaa 6-wasiir halka afar kalena uu u magacaabay wasiirru ku-xigeena kale. sidoo kale magaxweyne Muuse Biixi ayaa sidoo kale magacaabay La-taliyahiisa arrimaha doorashiinka.
Halkaan hoose ka akhriso magacyada Xubnaha cusub ee uu magacaabay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
1. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.
2. Axmed Maxamed Diiriye Cige Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.
3. Siciid Sulub Maxamed Xuseen Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga.
4. Saleebaan Yuusuf Cali Koore Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka.
5. Maxamed Muuse Diiriye Wacays Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha.
6. ustafe Maxamuud Cali Bile Wasiirka Wasaaradda Caddaalada.
7. LiibaanYuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
8. Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.
9. Mahdi Cabdillaahi Cismaan Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.
10. Muuse Ibraahim Yuusuf Salaf Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.
11. Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka.