Wararka
Yaaku guulaystay xidiga adduunka?
Xidiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ku guulaystay xidiga ugu fiican adduunka ee abaalmarinta ay bixiso FIFA kadib xili ciyaareed fiican oo uu soo qaatay.
Lionel Lessi ayaa kooxdiisa Barcelona ku hogaamiyay ku guulaysiga la liga sidoo kale noqday xidiga ugu goolasha badan sanadka isaga oo dhaliyay 50-gool tartamada oo dhan. Messi ayaa ku guulaystay gool dhalinta yurub iyo waliba horyaalka la liga kuna mutaystay abaalmarinta xidiga ugu fiican adduunka.
Kabtanka kooxda Barcelona ayaa abaalmarinta ku garaacay xidigaha ay sida weyn u soo xafiiltamayeen ee cr7 iyo virgil van Dijk. Xidiga kooxda Barcelona ayaa ku guulaystay abaalmarinta xidiga adduunka markii sii 6-aad asaga oo haatan ka hor maray xidiga eey xafiiltamaan ee kooxda Juventus kaas oo aan soo xaadirin xaflada lagu bixinayay xidiga adduunka oo ka dhacday magaalada Milano ee caasimada labaad ee dalka Italy.
Xidiga Messi ayaa helay 46 dhibcood halka Van Dijk uu helay 38 dhibcood Cristiano Ronaldo ayaa helay 36 dhibcood inkastoo xalfada soo xaadirin xidiga ree Portugal taas oo ka dhigan ina Cr7 galay gaalinta sadaxaad codeentii xidiga adduunka.