Wararka
Xulka kubadda cagta gobolka Banadir oo noqday the Champion of 2020 muddo 10 sano ka dib.

Xulka kubadda cagta gobolka Banadir ayaa galabta noqday Hoggaamiyaasha tartanka kubadda cagta ee maamul goboleedyada iyo gobolka Banadir kadib markii ay 2:2 isku mari waayeen xulka Galmudug sagaashankii daqiiqo(90) taas oo keentay in la’isla aado rikoore.
Gobolka Banadir ayaa guulaystay ka dib markii seddex rikoore ay soo tuureen xulka Galmudug uu bad baadiyay koolhayaha xulka gobolka Banadir.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray xulka ku guulaystay tartanka. Sidoo kale madaxweynaha ayaa hambalyo u diray xulka Galamudug oo noqday koxdii galinta labaad gashay.
Xulka Cayaartoyda Galmudug ayaa cayaartaan waxaa ay u tahay markii ugu horeysay ee ay kama danbaysto dartanka Maamul goboleedyada timaado tan iyo markii dib loo cusboonaysiiyay tartankaan.
Dhanka kale xulka Gobolka Banadir ayaa noqday the Champion of 2020 muddo tobon (10) sano kadib. Waxaa ay haystaan balan qaadyo badan oo uu maamulka Gobolka Banadir u sameeyay cayaartoyda matalaysay gobolkan Banadir.