Wararka

Xubno Ka Socda Beesha Caalamaka Iyo Hay’adaha Ku Shaqada Leh Dib U Eegista Dastuurka Dalka Ayaa Shir Uga Socda Muqdisho.

Sii-hayaha Xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradaasi  Xuseen Cabdi Cilmi ayaa gudoomiyay Shirka Boardka ee Barnaamijka Dib-u-eegista Dastuurka kasoo ay ka qeybgaleen labada Guddi ee dib-u-eegista Dastuurka, Deeqbixiyayaasha, UNDP iyo UNSOM.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay horumarka laga gaaray dib-u-eegista Dastuurka ilaa iyo hadda iyo sii ambaqaadka oo ay ka mid tahay la-tashiyooyinka dadweynaha, horgeynta cutubyada dib-u-eegista lagu sameeyay Baarlamaanka iyo xilliga ugu dambeyn lasoo gabagabeynayo dib-u-eegista dastuurka.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Dastuurka Xuseen Ayaa  deeq-bixiyaasha, UNDP iyo UNSOM kaga mahadceliyay taageeradooda dhan kasta ah, waxuuna ku booriyay in ay taageeridooda sii wadaan si looga guul gaaro dhameystirka dib u eegista dastuurka muddada loo asteeyay ee sanadkan 2019ka .

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close